daajis.com:- Ururka Xagjiriinta ah ee Al Shabaab ayaa soo bandhigay weerar dhabagal ah oo ay ku qaadeen ciidanka kenya oo ku safarayay deegaanka Taabta ee gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkan ayaa ku bilaawday miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa kadib xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidanka KDF ee kenya iyo Dagaalyahanada Al shabaab, dagaalkan oo ahaa mid waqti badan socday ayaa ciidankii Kenya ay markii danbe bilaabeen inay dib u gurteen.
Muuqaalkan ay Shabaabka soo bandhigeen ayaa ku tusaya in ciidanka Kenya ay isaga carareen Gaadiid dagaal oo badan, iyadoo gaadiidkaasi ay saarnaayeen sahay noocyo badan leh, waxaana muuqaalka ku caddeyn qasaaraha dhimasho ee soo kala gaaray ciidamadii halkaasi ku dagaalamay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have
