daajis.com:- Booliiska dalka Talyaaniga oo Telfoono badan soo dhageeystay waliba in mudo ah ku daba jiray Muqalaskii ugu weeynaa kooxda Daacish ee dadka Tahriibka ah ugu qaabilsan qaarada Yurub ayaa guryaha loogu dhacay isaga iyo 8 ruux oo kale .
Kamel Khemiri ayaa waxa uu u dhashay dalka Tunisia wuxuuna kooxda Daacish in mudo ah u qaabilsanaa dadka ay soo Tahriibiyaan kaas oo wakiil uga ahaa gudaha dalka Talyaaniga .
Ninkaan iyo 8 ruux oo kale ayaa guryaha loogu dhacay waxaana in mudo ah ku daba jiray Sirdoonka wadamo badan oo Yurub ku yaal gaar ahaan kuwa Talyaaniga oo ugu dambeyntii ku guuleeystay inay gacanta ku soo dhigaan .
Ururka Daacish kuwooda ka dagaalama gudaha dalka Liibiya ayaa dhul ay ka taliyaan oo xeeb ah waxeey ka soo Tahriibiyaan dad fara badan ka dibna waxeey ku soo darsadaan dhoor qof oo weeraro uga fulin kara wadamada Yurub .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:30 and have
