daajis.com:- Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee gogoshiisa taalay magaalada Jowhar ayaa la qorsheynayaa in loo soo raro magaalada Muqdisho, si loo dedejiyo dhismihiisa, Iyadoona qorshahaasi uu yahay mid gabo gabo ku dhow.
Wararka ayaa intaa ku daraya in arrintan looga gol leeyahay in qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan lagu qanciyo inay shirka ka qeyb galaan, kadib markii ay horay u diideen inay Jowhar tagaan.
Urur Goboleedka IGAD ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka mid ahaa in shirka loo soo raro Muqdisho.
Warar aanu helnay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho lagu xareyn doono ergooyin matalaya labada gobol, kuwaasoo dooranaya Madaxweynaha.

Qaabka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la mid noqon doona qaabkii loo maray dhismaha Maamulka Koofur Galbeed oo ergooyin la xareeyay ay doorteen Madaxweyne Shariif Xasan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have
