daajis.com:- Magaalada Milwaukee ee Gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa dagaalo iyo qalalaaso ka dhaxeeyay Shacabka madow ee magaaladaasi iyo Booliska.
Iska horimaadyo waaweyn oo gacanta la isula tegay ayaa dhexmaray booliska magaalada Milwaukee iyo shacab gadooday oo loo diiday inay guryahooda aadaan, maadaama Boolisku uu xiray wadooyinka qaar.
Qalalaasahan ayaa waxa uu ka bilaawday kadib markii boolisku toogasho ku dilay nin madow ah oo la sheegay inuu hubaysnaa laakiin bistooladiisa aan booliska u adeegsan ama uu san ku beegin.
Ciidamada booliiskamagaalada Milwaukee ayaa xaaladoodu faraha kabaxday awoodna u waayey inay qaboojiyaan xaalada dadka gadoodsan, waxayna u yeerteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran, ilaa iyo hadana waxay wararku sheegayaan in xaalada magaalada magaaladaasi ay kasii darayso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at