Abaanduulaha Ciidamada XDS oo sheegay in shacab iyo Ciidamo lagu laayay weerarkii Gaalkacyo

Abaanduulaha Ciidamada XDS oo sheegay in shacab iyo Ciidamo lagu laayay weerarkii Gaalkacyo

daajis.com:- War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cali Baashi Maxamed, ayaa lagu sheegay in duqeyta 27.09.2016 ka dhacday bariga magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka islamarkaana lagu dilay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Gen Calibaashi wuxuu sheegay in taliska Xoogga Dalka Soomaaliya uu Caddeynayo in dadka ku dhintay duqeyntaasi aysan Xiriir la laheyn al shabaab, deeganadaasina aysan wax saameyn ah ku lehyn kooxdaasi, waxa halkaa ka dhacayna uu ahaa Shil ku dhacay si qaldan “Dab Saaxiibtinimo”,

“Dab Saaxiibtinimo ayuu ahaa Shilkaasi, Xiriir ayaan kala sameynay hay’adihii ay Qeyseysay arrintaasi, baaris ayaan ku sameynay, taliskuna wuxuu caddeynayaa in dadkii masaakiinta ahaa iyo ciidamada lagu laayay duqeyntaasi aysan wax lug ah ku laheyn Al-shabaab, deegaankaasina aysan shabaab joogin” ayuu yiri Gen Calibaashi.

Abaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay dadka deegaanka uuna sababay qaasaare naf iyo maalba leh, ciidamada waxyeellada ba’an uu gaarayna ay deegaankaasi ka wadeen howlo samafal ah.
Ugu dambeyntii taliska Xoogga dalka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay isdajiyaan, ariintaasina gacanta lagu hayo meelna aysan uga haridoonin, xanuunkana ay la qeybsanayaan ehllada iyo qoysaska dadka sida xaqdarada ah loogu Xasuuqay Duqeynta ay Mareykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada