UEFA Oo Kooxda Celtic Ku Ganaaxday In Jamaahiirteedu Ay Calanka Dalka Falastiin Soo Qaateen Kulankii Isreeb Reebka Champions Leaque-ga Ee Ay La Ciyaareen Kooxda Ree Isreal Ee Hapoel Beer-Sheva

UEFA Oo Kooxda Celtic Ku Ganaaxday In Jamaahiirteedu Ay Calanka Dalka Falastiin Soo Qaateen Kulankii Isreeb Reebka Champions Leaque-ga Ee Ay La Ciyaareen Kooxda Ree Isreal Ee Hapoel Beer-Sheva

daajis.com:- Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax lacageed ku soo rogtay kooxda ree Scotland ee Celtic kadib markii lagu soo eedeeyay in jamaahiirta kooxdeedu ay garoonka u soo qaateen calanka dalka Falastiin intii lagu jiray kulankii isreeb reebka Champions Leaque-ga ee Celtic iyo kooxda Yuhuuda laga leeyahay ee Hapoel Beer-Sheva.

Jamaahiirta kooxda Celtic ayaa si wayn garoonka ugu muujiyay calanka dalka carbeed ee Falastiin ee ay Isreal dhibaatada ku hayso waxayna kooxda Celtic taageero aan caadi ahayn ay u muujisay Falstiin, laakiin UEFA ayaa markiiba bilawdya in ay arintan soo gasho waxayna ugu danbayn Celtic ku ganaaxday  €10,000 kun oo euros.

Laakiin waxaa cajiib noqotay in jamaahiirta Celtic ay si yaableh uga jawaabeen markii ay maqleen in UEFA ay kooxdooda baadhitaan ku hayso isla markaana ay ganaax ku soo rogayso waxayna dhaqaale ururin tabarucaad ah u sameeyeen hay’daha samafalka ah ee Falastiin laga leeyahay iyaga oo ururiyay lacag ka badan  £172,000 kun oo gini.

Celtic ayaa si xun u soo xasuuqday kooxda ree Isreal ee Hapoel Beer-Sheva iyada oo celcelis ahaan 5:2 ku soo garaacday si kooxda Branden Rodgers ay ugu soo baxdo heerka Groupyada Champions Leaque-ga ee ay hadda ka ciyaarayso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada