daajis.com:- Shirkada nadiifinta deegaanka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ( E C C O ) environmental cleaning company ayaa maanta bilowday shaqo qorista balaaran oo isugu jira shaqaale kala duwan oo ka koobnaa ilaa sadex boqol oo qof oo isugu jira rag iyo haween.
Gudoomiyaha guud ee shirkada ECCO cabdi-xakiim yuusuf xasan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay tahay shirkadu mid ganacsi oo ka howl geli doonta guud ahaan degmooyinka gobolka banaadir ,isagoo xusay in shaqo qorista ay intaasi kasii badnaan doonto islamarkaana ay dadka reer muqdishona u tahay ayuu yiri shaqo abuur weyn oo uu qof kasta aqoon tiisa inta ay le,eg tahay uu ku shaqayn doono ‘’ hal ku dhegayagu waa shaqo abuur iyo soo saaris shaqaale badan oo reer muqdisho ah oo uu qof kastaaba ku shaqeeyo xirfadiisa iyo aqoonta uu leeyahay ‘’ ayuu yiri cabdixakiim yuusuf xasan
Tirada maanta la qaatay oo ka kooban 300 –qof ayaa isugu jira shaqooyin kala duwan sida xoghaynta ,xisaabiyaal ,darwaliin baabuurta waaweyn iyo kuwa yar yar , noocyada mooto bajaajka iyo weliba shaqooyin kale oo xirfadley iyo xoogsato ay ku jiraan iyadoo ay yididiilo ku abuurtay dadka shaqo la,aantu ay hayso islamarkaana ay dadka reer muqdisho si weyn usoo dhoweeyeen una muuqata mid yaraynaysa shaqo la,aanta baahsan ee jirta .
Si kastaba ha ahaatee shirkadan EECO ayaa noqonaysa shirkadii ugu shaqaalo qorista badnayd iyadoo aan hayb sooc lahayn tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Somalia 1991 oo laga joogo mudo 25-sano ah iyadoo ay soo aas aaseen ganacsato aqoon sare leh oo kamid ah dadka qurba joogta ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:29 and have
