daajis.com:- Afhayeenka Maamul Goboleedka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax, oo Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu maamulkoodu taageeray duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo.
Seeraar, ayaa meesha ka saaray iney wax xiriir ah kala yeesheen Maraykanka go’aanka halkaasi lagu weeraray, wuxuuna tacsi u diray Dadkii ku dhintay duqeynta iyo eheladii ay ka tageen intuba.
Warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa Maalmahan qortay iney Jubbaland taageersan tahay duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo, waxna ay ka ogeyd duullaanka ay Diyaaradaha Maraykanka halkaasi ku qaadeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have
