daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday sababta loo joojiyey diyaaradihii Jaadka ka keeni jiray dalka Kenya oo muddo laba malamood ah xayiran.
Safiirka Soomaaliya ee dalk Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in arrintan ay salka ku hayso safar uu dhowaan magaalada Hargeysa ku tagay guddoomiyaha gobolka Meru ee dalka Kenya Peter Munya, Wuxuuna sheegay inuu faraha la galay arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Bishi July ee Sannadkan 2016-ka, ayuu Peter Munya safray Hargeysa, si uu u Qal-qaaliyo xeerarka ganacsiga ee dhoofinta Jaadka Dalka Kenya, iyadoo dalka Kenya ay bixinayso beddelkeeda nooc ka mid ah Aqoonsiga maamulka Somaliland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at