DAAWO: Haweeney la sinneysatay saaxiibkeed oo fagaare lagu jeediliyay

DAAWO: Haweeney la sinneysatay saaxiibkeed oo fagaare lagu jeediliyay

daajis.com:- Haweeney Indonesian ah iyo nin saaxiib la ah ayaa waxaa lagu ciqaabay xiriirka ka dhaxeeya, kadib markii ay sameeyeen galmo sharci daro ah oo ka baxsan guurka, waxaana goob fagaare ah oo dadweyne tubnaa lagu hor karbaashay.

Rag wajiyada soo duubtay ayaa ku fuliyay xukunka diiniga ah ee karbaashka oo diinta Islaamka qabto qofkii galmo guurka ka bannaan sameeya in la mariyo xukun jeedal 100 karbaash ah, qofka aan guursan, halka qofkii guur soo mara ee sineysta xukunkiisa noqonaya in lagu dilo dhagax ama seef.

Ninka iyo Haweeneydaan ayaa lagu eedeeyay inay sinneysateen, inkastoo haweeneyda ay soo martay guur hore, waxaa loo dabciyay xukunka oo looga dhigay karbaash.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaan oo ka dhacday magaalada Banda Aceh ee cirifka waqooyi ee jasiiradda ugu weyn Indonesia ee Sumatra, waana gobolka kaliya ee looga dhaqma shareecada Islaamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada