daajis.com:- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo Waraysi Xeeladaysan ay ka qaaday Idaacada Kooxda Al-shabaab ee Al-furqaan ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyina ay la daalaa dhaceyso dowladda uu ka tirsan yahay, Wuxuuna sheegay in ciidamada shisheeye ee dalka ku soo duulay qaataan qarash fara badan, halka kuwa soomaalidu ay baahan yihiin.
Wuxuu ka sheekeeyay sida dowladda federalaka ah loo bahdilayo asigoo yiri “Cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay” Wuxuuna tilmaamay in madaxda dowladda federalaka ah ilaalo gaar ah ka dhigteen ciidamada shisheeye oo aanay aamineyn wiilasha soomaalida ah.
Wuxuu aad uga cawday in marka madaxda dowladda federalaka ah asiga iyo xubnaha kale la kulmayaan ciidamada shisheeye ee albaabada jooga weydiinayaan aqoonsi iyo wixii la mid ah.
Asigoo hadlakiis asii wata xildhibaan maxamed cumar dalxa wuxuu qiray in khayraadka soomaaliya shisheeye boobayo geesta kalena xatooyo badan ama musuq maasuq ay ku kacayaan madaxda soomaalidu, Wuxuuna daaha ka qaaday arimo badan oo Muujiyna Dawlad La’aanta haysta Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:58 and have
, Published at