DAAWO:- Nin Weerar ku Qaaday Safaaradda Isra’el ee Dalka Turkiga oo La Toogtay

DAAWO:- Nin Weerar ku Qaaday Safaaradda Isra’el ee Dalka Turkiga oo La Toogtay

daajis.com:- Waxaa maanta safaaradda Isra’el ee dalka Turkiga weerar ku qaaday Nin la sheegay in uu ku hubeesnaa Mindi.

Ninkan weeray Safaarada Israa’il ay ku leedahay magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga ayaa waxaa uu ku qeylinayay markii uu weerarka qaadayay  Allahu Akbar-Allahu Akbar, waxaana uu iska dhago tiray marar badan oo amar lagu siiyay in uu istaago.

Ciidamada amaanka dalka Turkiga ayaa ninkan Mindida watay ku dhaawacay banaanka hore ee xarunta safaarada, waxaana la sheegay in ninkani uusan wax qasaaro ah dad gaarsiin.

Shaqaalihii ku sugnaa safaarada Israa’il ku leedahay magaalada Ankara ayaa lagu xareeyay goob amaan ah, mana jiraan wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkan marka laga reebo ninkii ka dambeeyay oo la dhaawacay.

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay lagu magacaabo Osman Nuri Caliskan isaga oo da, disuna ay tahay 41-sano jir, ciidamada amaanka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay weerarkiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada