daajis.com:- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlya Dekeda magaalada Berbera oo Heshiis ay ku wada galeen maamulka Somaliland iyo Shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Wuxuuna sheegay Inayna Dawlada Soomaaliya waxba kala socon.
“Maamulka Somaliland iyo Dawlada Imaaraadka Carabta mid nagala soo xidhiidhay ma Jiro Arinta Berbera, Dekeda Berbera Qaranka Soomaaliyeed oo dhan ayaa wada Leh, Wixii Horumar ah ee Dadka Waqooyiga Soomaaliya Raali ayaanu ka nahay, Laakiin wixii Soomaaliya ka wada dhexeeya waa in loo meel mariyo si la wada og yahay.” Ayuu yidhi Madaxwayne Xasan sheekh.
Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa wuxuu ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan maamulka Somaliland, Wuxuuna ugu baaqay inay qabtaan Doorashada, Dawlada Soomaaliya ay wanaag gaysan doonto.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at