Daawo: Waraysi Ninkii fuliyey weerarkii Hotelka SYL iyo Beesha uu ka dhashay

Daawo: Waraysi Ninkii fuliyey weerarkii Hotelka SYL iyo Beesha uu ka dhashay

daajis.com:- Idaacadda Andallus ee ku hadasha codka Kooxda Al-shabaab ayaa baahisay cod laga duubay ninkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa Al-shabaab waxay magaciisa ku sheegeen Jaabir C/llaahi Diiriye oo 44 jir ahaa, kuna dhashay degaanka Buusaar ee gobolka Gedo, waxayna Al-shabaab sheegtay inuu ka soo jeedo Beesha Mareexaan.

Jaabir Cabdilaahi Diiriye ayaa codka laga duubay ku sheegay in fulinta weerarkiisa uu Alle ugu dhowaanayo uuna naftiisa u hurayo leynta wax uu u ku tilmaamay cadowga Alle.

Ninkan oo watay gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa xoog ku soo jiiray goob ciidamada dowladu gaadiidka ku baaraan oo ku taalla agagaarka isgoyska Sayidka, wuxuuna gaariga uu watay ku dhuftay xeynaabka hotelka SYL oo ku dhow madaxtooyada Somalia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada