Daawo:- Milkiilaha Hotelka Istanbuul ee Garwoowe, oo soo bandhigay Fadeexad kusoo baxday C.xakiin Camey

Daawo:- Milkiilaha Hotelka Istanbuul ee Garwoowe, oo soo bandhigay Fadeexad kusoo baxday C.xakiin Camey

daajis.com:- Ganacsade C/raxmaan Jaamac Cismaan oo magaalada Garoowe ku leh Hotello iyo meherado kale oo ganacsi ayaa sheegay inuu Dacwo ka yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Camey, oo uu sheegay inuu Hotelkiisa Dajiyey Wafdi odayaal ah, Wuxuuna sheegay inuu diiday inuu Bixiyo Lacagtii lagu yeeshay.


Ganacsade C/raxmaan wuxuu sheegay in wafdigaasi ay hotelka ka galeen lacag gaaraysa Labo kun iyo Siddeed boqol oo doollar ($2,800), markii uu xafiiska Madaxweyne ku xigeenka tagayna la siiyey warqad been abuur ah oo uu lacagta ku doonto, halka ugu dambayntiina loo diiday lacagtiisii oo ay gaartay inuu warbaahinta la hadlo.

Sidoo kale Gabadh muddo ka dib Hotelka Istanbuul ee Garoowe ka Kiraysatay Ganacsade C/raxmaan Jaamac Cismaan, ayuu sheegay inay sidaas oo kale lacag dayn ah ku yeelatay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, iyadoo markii dambe Gabadhii loo diiday lacagteedii ayna Jirdil u gaysteen Ilaalada Madaxweyne ku xigeenku.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada