Video: Maxaadan ogeyn oo uu Shiikh Shariif u tagey Kenya

Video: Maxaadan ogeyn oo uu Shiikh Shariif u tagey Kenya

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Shiikh Axmed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo ay soo dhaweyntiisa ay ka qayb qaateen mas’uuliyiin katirsan barlamaanka Kenya, iyo sidoo kale qaybaha bulshada ee Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Ujeedka safar Shariif Axmed ayaa lagu sheegay is diyaarin doorashada 2016 bisha October ka dhaceysa Soomaaliya, wuxuuna kulamo kala duwan la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalka Kenya, oo ay isla soo qaadi doonaan doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona, iyada oo safaro hore oo uu ku yimid Nairobi uu heley kalsoonida Kenya oo muhiim u ah hanaanka gedi socodka nabadda Soomaaliya.

Dadweyne aad u fara badan ayaa kusoo dhaweeyey qaybta VIP ee garoonka Jomo Kenyatta, wuxuuna sidoo kale qorsheynayaa safaro uu ku tago qaybo kamid ah gudaha dalka ka hor inta uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu musharax yahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada