daajis.com:- Duqii hore ee magaalada muqdisho Maxamed Nuur Tarsan ayaa sheegay in walaalkiis ka weyn oo dilay generaal Gabre isla markaa oo kayeeli doonin waxaana oo sheegay hadii oo xilka madaxweynaha soomaaliya qabto in dalka gabi ahaan oo soo geli doonin generaal Gabre.
Tarsan oo kahadlaayay shirka looga soo horjeyde hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray xukumada soomaaliya iyo IGAD oo ahaa in laba isbuuc kudhisi donaan maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayuu kadhex sheegay hadalkaas.
Waa danbiile dad badan naga laayay generaal Gabre waxaana u balan qaadayaa shacabka soomaaliyeed in dalka kasaari doono oo cagta soo dhigi doonin hadii xilka madaxweynaha soomaaliya ku guuleysto ayuu yiri Tarsan oo aad u careysan.
Hadalka musharaxa madaxweynaha soomaaliya ayaa imanaayo xili Generaal Gabre kamidyahay shaqsiyaadka saameynta xoogan kuleh siyaasada soomaaliya isla markaa goob kasta oo siyaasada soomaaliya lagu kariyo dhex taagan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:31 and have
, Published at