Dagaalka Dalka Liibiya oo Maraya Meel Gaba-gaba ah iyo Daacish oo Meel Lagu Kuusay (VIDEO)

Dagaalka Dalka Liibiya oo Maraya Meel Gaba-gaba ah iyo Daacish oo Meel Lagu Kuusay (VIDEO)

daajis.com:- Dagaalka dalka Liibiya ka socda oo ah mid  u dhaxeeya Ururka ISIS/Daacish iyo jabhado taageersan dowladda dalkaasi ayaa hadda meel gaba-gaba ah waxaana la galay saacadihii ugu danbeeyay.

Dagaalyahanada Ururka Daacish ayaa waxaa ay ku soo urureen xaafado yar oo ku yaala magaalada uu dagaalka ka socdo ee Misrata, waxayna madaxda ciidamada iyo Maleeshiyaadka dalkaasi waydiisteen in la siiyo wado ay uga baxaan magaalada, laakiin waxa ay diideen in ay is dhiibaan oo ay maxaabiis noqdaan.

Maleeshiyaadka hubaysan iyo ciidamada taageersan dowlada ee la dagaalamayo ururka Daacish ayey mudo dheer ku qaadatay inay maleeshiyaadka xagjiriinta ah ka saaraan Xarumahoodii waaweynaa ee ay ku lahaayeen gudaha magaalada Sirte.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada