Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Goordhow ka Degay Garoonka Magaalada Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Goordhow ka Degay Garoonka Magaalada Jowhar

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka degay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka, Duubabka Dhaqanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ula jeedada Madaxweynaha halkaasi u gaaray ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa dhismaha Maamulka loo sameynayo goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Jowhar ee xarun Gobolka Shabeelaha Dhexe, madaxweynaha ayaa shalay ku mashquulsanaa soo af-jaridda shirka madasha wadatashiga qaran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada