Dawlada Mareykanka “Xaalada dalka Suuriya xal uma hayno, waa Arin adag”

Dawlada Mareykanka “Xaalada dalka Suuriya xal uma hayno, waa Arin adag”

daajis.com:- Dowlada Mareykanka ayaa si cad ushaacisay iney ku jaha wareertay xal uhelida qadiyada Suuriya.Madaxa CIA John Brennan oo shalay hadal ujeediyay khuburo mufakiriin ah oo Washington kusugan ayaa sheegay in Mareykanku uusan xal u haynin dhibaatada isbiirsatay ee kajirta dalka Suuriya,wuxuuna muujiyay walaac ah in dhibaatada Siiriya ay sii socon doonto sanado kale.

“36-dii sano ee aan ka shaqeynayay arimaha amniga qaranka,arinta Siiriya waa arinta iigu adkayd ee abid isoo marta,” ayuu yidhi John Brennan.

Xal uhelida Suuriya waxaa sii murjiyay quwado maxali ah iyo kuwa caalami ah oo dano iska soo horjeeda ka leh Suuriya iyo waliba cabudhintii iyo xadgudubyadii qooyska Asad mudada dheer ku hayeen shacabka Suuriya ayuu markale yidhi.
Brennan wuxuu xusay inkastoo Mareykanku wada xalin karin dhibaatada kajirta Suuriya hadana uu ku dedaalayo sidii uu uyarayn lahaa dhibaatada haysata Suuriya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada