daajis.com:- Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullahi oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar iyadoo meel u jirta 10km loogaga hortagay Ugaas Cabdraxmaan oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Abukar Xasan Cali,taliyaha qeybta booliska gobolka Sh/dhexe Cornel Khaliif Cabdulle Carfaaye,duubabka dhaqanka ku sugan magaalada Jowhar,siyaasiyiin iyo dadweyne faro badan.
Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ah ugaaska beesha Gaaljecel ayaa u mahadceliyay sida loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar waxana uu sheegay in saaka uu ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo yimidna magaalada Muqdisho kadibna si toos ah ugu soo ambabaxay magaalada Jowhar.
Imaam Maxamed Yuusuf oo kamid ah duubabka dhaqanka ee ku sugan magaalada Jowhar kana hadlay soo dhoweynta Ugaaska ayaa rajo weyn ka muujiyay in haddii uu ku soo biiray Ugaaska oo safar ugu maqnaa gobolada Jubooyinka in shirka maamul u sameynta labada gobol uu guul ku soo dhamaan doono.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay soo dhoweynta ugaaska ayaa sheegay in maamul u sameynta labada gobol uu rajo weyn ka qabo in la soo afjaro dhowaan ayna labada maamul dhistaan dowlad goboleed ay ku mideysan yihiin.
Imaanshaha Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullahi ayaa ku soo beegantay xilli maanta uu dib u dhac ku yimid booqasho uu ku imaan lahaa magaalada Jowhar Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayay.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:30 and have
, Published at