Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Saxiixay Sharciga Asxaabta Siyaasada (VIDEO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Saxiixay Sharciga Asxaabta Siyaasada (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta galinkii danbe saxiixay sharciga Asxaabta Siyaasada, kaasoo bishii June ee sanadkan uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Munaasabadan oo maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee (Villa Somalia) ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, gudoomiyaha Baarlamaaka federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana madaxweynuhu uu goobtaasi ku saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada ee uu dalka yeelan doono.

Sharcigan oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, waxaana saxiixa maanta uu saxiixay Madaxweynuhu ay ku soo aadeysaa, iyadoo dhowaan dalka ay ka dhacayaan doorashooyin.

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Shiikh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada saxiixa sharcigaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in xisbiyadu ay noqdaan kuwo leh ajande siyaasadeed oo dalka iyo dadka horumarinaya waxaana uu ka digay in xisbiyadu ay noqdaan kuwo doorashad lagu galo oo kaliya.

In ka badan 10 Xisbi Siyaasadeed ayaa ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo ay hoggaaminayaan Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada