daajis.com:- Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii madaxweyne Xasan Sheikh ee ahaa inuu kasoo horjeedo heshiiskii DP-World ee dekeda Berbera iyo go’aankii Kenya ee ahaa inay Soomaaliland u aqoonsan yihiin maamul gooleed katirsan Soomaaliya.
Dr. Sacad oo marka hore u jawaabayay Kenya ayaa yiri,’
Wali dalka Kenya inama aqoonsan jiritaanka iyo aqoonsiguna waa kala jaad ,Somaliland waa wadan jira oo xuduudo caalamiya leh oo taas aqoonsi Kenya ugama baahnin iyo inaynu jirno oo xuduudo leenahay oo taariikh ayaynu leenahay ee Kenya iyo caalamka intiisa kaleba waxaynu uga baahanay aqoonsiga madaxbanaanida ,kolay waxa jira daruufo arimo siyaasi oo arimahooga gudaha ah,balse Kenya xidhiidh wanaagsan baynu lahayn oo halkan waxa inoogu yimid xildhibaano badan oo ka socda Kenya,waxa jira dad badan oo reer Somaliland ah oo Kenya dagan,halkan dad badan oo Kenyan ah ayaa ka shaqaysta waliba dadka reer Kenya ee Somaliland yimaadaa iskama yimaadaan ee Fiiso ayay kusoo galaan markaas hadii aynaan waddan lahayn fiisaha Somaliland kumay yimaadeen”.
Sidoo kale wasiirka arroimaha dibada Soomaaliland ayaa u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, wuxuuna yiri-
“Cadaadiska mawqifka iyo la dagaalanka dhinaca ictiraaf raadinta Somaliland ee Soomaaliya wax inagu cusub ma aha,madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu doono ayuu iskaga hadlay, hadalna waxba inagaga qaadi mayo, balse wada hadalada hadii aanay waxba inoogu jirin waynu ka tashan doonaa oo siddii kale ee aynu dan moodno ayaynu yeeli doonaa ,mar walbana waxay ku jirto danta dadka iyo dalkaba ayaanu yeeli doonaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Wasiir Sacad Cali Shire.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at