daajis.com:- Bollywood Super Star Aamir Khan ayaa shaaca ka qaaday in qoyskiisa ay la rabeen inuu dhaqtar ama injineer noqdo balse marna aysan la rabin jilaa Bollywoo-ka ka tirsan inuu noqdo.
Inkastoo Aamir uu aabo u yahay filim sameeye Tahir Hussain halka adeerkiisna Nasir Husein uu isagana filim sameeye iyo soo saare ahaa hadana qoyskan wiilkooda fanka lama rabin.
Aamir Khan wuxuu yiri “Xiligii qof walbo caruurtiisa la rabin inuu fanka kusoo biiro waalidkey waxay ila rabeen inaan dhaqtar ama injineer noqdo”
“Aabo iyo adeer waxay ii sheegi jireen in fanka yahay meel rabshad badan sidoo kalena dhib badan waxayna igala talin jireen inaan marnaba jilaa noqonin”
“Laakiin aniga marnaba ma xamili karin inaan noqdo, injineer, dhaqtar ama xisaabiye inkastoo waalidkey xirfadahaas u arkeen kuwo lacag fiican laga helaayo sidoo kalena daganaansho leh”
“Laakiin aniga rabitaankeyga wuxuu ahaa inaa jilaa noqdo waxaana bilaabay inaan kaligey barto xirfada filim jilista sidoo kalena riyadeyda xiligeeda hore aan kaligey ka run sheego”
Aamir Khan maanta wuxuu ka mid yahay taariikh ahaan atoorayaasha ugu awooda badan uguna saameynta badan ee ebid Bollywood-ka soo mareen.
Waxaana Super Star-kaan usoo bixi doono filimka Dangal 23 Decemebr 2016 waana filim siweyn loo wada sugaayo kaasi oo iskooro cusub Bollywood-ka kusoo kordhin karo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at