daajis.com:- Iyadoo ay maanta ku eg tahay waqtiga loo qabtay in maamulada dalka ku soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa soo baxaya qaabka maamulka Jubbaland u qeybiyay 8-da xubnood ee kasoo gaaray Aqalka sare.
Maamula Jubaland iyo Qaabka Beelaha loogu qeybiyay xubnaha Aqalka Sare:
1. Beesha Mareexaan: 2
2. Beesha Kuumade: 2
3. Beesha Harti: 1
4. Digil & Mirifle: 1
5. Coormale: 1
6. Hawiye: 1
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in xubnaha lagu qoray inay u tartamaan kuraasta aqalka sare ay ugu cadcad yihiin:
1. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubaland
2. Prof Maxamed Cabdi (Gaandi), -wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dowladdii KMG-
3. Cabdi Maxamed Tarax – Madaxii Hay’adda Qaxootiga Qaranka ee dowladii Siyaad Barre-.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at