Boqolaalka ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia oo xoojiyay weerarada qarsoon ee Al-Shabaab: WARBIXIN

Boqolaalka ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia oo xoojiyay weerarada qarsoon ee Al-Shabaab: WARBIXIN

daajis.com:- Wargeyska The New York Times ayaa qoray in maamulka Madaxweyne Barack Obama aad u xoojiyeen dagaalka qarsoon ee ay sannadihii la soo dhaafay ka fulinayeen gudaha dalka Somalia.

Hawlgalkaasi ayaa la sheegay in loo adeegsado ciiddanka Maraykanka ee fuliya hawlgalladda khaaska, duqeymaha, qandaraaslayaasha qaaska iyo isbahaysiga Afrikaanka qeybta ka ah dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu qoray Wargeyska The New York Times oo soo xigtay Saraakiil Maraykan iyo kuwo Afrikaan iyo goobjoogayaal caalami ah oo aan magacyadooda la shaacinin.


Boqolaal Askar Maraykan ah ayaa haatan saldhigyo ku leh gudaha Somalia, waana joogitaankii ugu ballaarnaa ee ciiddanka Maraykanka, tan iyo markii Milliteriga Maraykanka laga wada saaray Somalia, kadib, markii dagaal lagu dilay 18 Askari oo Maraykan ah iyo Burburkii Diyaaradii Black Hawk Down sannadkii 1993-kii.

Wargeyska The New York Times waxa uu sii qoray in Saraakiisha Maraykanka sheegeen inay Aqalka Cad  si tartiib ah u kordhisay Amarka Madaxweyne Obama sidii Ciiddanka ka jooga gudaha Somalia loogu oggolaan lahaa inay qaadan Weeraradda Diyaaradaha si loo badbaadiyo Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.

Ku-dhawaad 200 ilaa 300 Askar Maraykan oo fuliya Hawlgalladda Gaarka (U.S. Special Operations troops) ayaa ku sugan gudaha Somalia, sida uu qoray Wargeyska The New York Times, kuwaasi oo Wada-shaqeyn la leh Ciiddanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM. Siiba Askarta Kenya iyo kuwa Uganda.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inay Ciiddankaasi Isbahaysiga ay bishiiba qaadaan in ka badan Tobaneeyo Hawlgall oo isugu jira Dhulka iyo Duqeymaha loo adeegsado Diyaaradaha La-hago ee Droneska.
Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegay inay sannadkan 2016-ka gudaha Somalia ka fuliyeen 13 Hawlgal Dhulka ah iyo Duqeymo Cirka, iyadoo Duqeymahaasi lagu dilay Dad Rayid ah iyo Dagaalyahano Alshabaab, waa sida uu daabacay Wargeyska The New York Times.

Warbixintan ayaa soo baxday iyadoo Nidaamka Kombiyuutarka laga hago Droineska Maraykanka cillad weyn qabsatay, taasi oo sababtay inay Droneska fuliyaan Weeraro Qaldamay, sida kii dhawaan ka dhacay duleedka Gaalkacyo, laguna dilay 22 Askari oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Source: Dalsan Radio

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada