daajis.com:- Duleedka Magaalada Garowe Ee Xarunta Puntland waxaa maanta ka dhacay Dibadbax ballaaran oo lagu alla baryey si abaaraha Jira Roob iyo Nimco ugu badelo.
Waxa soo qaban qaabiyey Iskusoo baxaasi Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Maamul Gobolleedka Puntland iyadoo Culimadana ay hormuud sidoo kale ka ahaayeen dibad baxaasi.
Madaxweyne Kuxigeenka PL C/xakiin Cameey iyo C/raxmaan Faroole oo ka qeyb ahaa Boqolaal Qof oo Banaanbaxa xaadirtay ayaa duceeyey allena ka baryey in Dhibaatada Neecaaw iyo Barwaaqo ugu badelo.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in alle ilaa Caawa weydiisanayaan Roob si kuleelka iyo dhibaatada Abaarta uga qaboobaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 05:30 and have
