daajis.com:- Magaalada New Delhi ee dalka India ayaa waxaa lagu qabtay Shimbir la sheegay inay dhambaal u waday Ra’isul wasaaraha dalkaasi Narendra Modi.
Ciidamada Amaanka magaalada New Delhi ayaa isha saaray shimbirtaasi oo ku dul heehaabeysa hada isla markaana marba meel ku dageysa.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Shimbirtaasi ay wada dhambaal u gaar ahaa Ra’isul wasaaraha, dhambaalkaasi oo ahaa mid Siyaasada ku saleysan.
Saraakiishu waxa ay sidoo kale sheegen in shimbirta laga soo diray dalka Pakistan oo ay xurguf kala dhaxeyso India.
Shimbirta ayaa waxaa lagu xiray Xabsiga labaad ee magaalada New Delhi, waxaana iminka ku socda baaritaan.
Dhambaalka ayaa waxaa lagu soo hardhay baalasha Shimbirta waxaana looga faalooday xumaha Pakistan kala dhexeeya India.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:30 and have



