Maxaa kajira in la sumeeyay Hogaamiyaha Kooxda Daacish?

Maxaa kajira in la sumeeyay Hogaamiyaha Kooxda Daacish?

daajis.com:- Warar maanta ay daabaaceen qaar kamid ah warbaahinta Caalamka, ayaa waxaa lagu sheegay in la sumeeyay hogaamiyaha kooxda Daacish ( Abuubakar Al Baqdaadi).

Wakaalladda Wararka Iraq (Iraqi Media News Agency) ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Ibraahim Al-samraay, laguna naanayso Abu Bakar Al-baqdaadi iyo 3 Talliye la sumeeyey, kadib, markii cunto lagu daray waxyaabo sun ah.

Wakaalladda ayaa ka soo xigatay ilo ku sugan Degmadda Be’aaj ee Gobalka Nineefeh ee W/galbeed Iraq inuu Hoggaamiyaha Daacish iyo Saraakiisha kale sun loogu daray cunto ay ku qadeynayeen.
Wararka ayaa sheegayo in Hoggaamiyaha Daacish haatan l;agu dfaaweynayo goob aan la shaacinin, iyadoo laga dayrinayo xaaladiisa iyo Saraakiisha kale ee la cunay cuntada sunta loogu soo daray.

Dhinaca kale, Kooxda Daacish ayaa la sheegay inay qaadeen Olole lagu soo xiray dad lagu tuhunsan yahay inay ka mas’uul yihiin cuntada ay ku sumoobeen Hoggaamiyaha Daacish iyo Saraakiisha kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada