daajis.com:- Qaar kamid ah warbaahinta Caalamka ayaa maanta si aad ah u hadal hayay dhac iyo handadaad loo geystay xidigta Kim Kardashian xili ay ku sugneyd magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Tuugadan oo 5 ahaa ayaa la sheegay ineey iska soo dhigeen ciidamada Booliska Faransiiska sidooda kalena usoo labisteen.
Kim, ayaa la sheegay ineey si aad ah u bariday Tuugada kana dalbatay ineey nafta dhaafin oo ay u turaan, waxaana ay ku calaacashay ineey tahay Hooyo ilmo u joogaan.
Sarkaal u hadlay Booliska Faransiiska, ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in Tuugadu ay Kim ka qaateen Dheyman ku fadhiya Malaayiin Dollar.
Mid kamid ah Ilaalada Hotelkii ay daganayd Kim, ayaa sheegay inuu arkay 2 nin oo u labisan sidii Booliska Faransiiska oo kale islamarkaasna Qori madaxa kaga haya Xidigta iyadana ay ka baryeyso ineey u badbaadiyaan nafteeda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have



