daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u dhaqaaqday, uuna filayo in dhalinyarada iyo haweenka u hanqal taagaya inay u tartamaan kuraasta labada aqal ay door weyn ka qaadan doonaan safarka dowlad dhisida ee Soomaaliyada cusub.
Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyinkan dadban ee lagu heshiiyey si aloo abuuro kalsooni sal adag leh oo shacabka ka dhexeeya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have
