DAAWO Muuqaal: Maraykanka oo Lagu Qabtay RAG CADAAN AH oo doonayey inay Soomaalida QARAXYO La Eegtaan

DAAWO Muuqaal: Maraykanka oo Lagu Qabtay RAG CADAAN AH oo doonayey inay Soomaalida QARAXYO La Eegtaan

daajis.com:- Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray saddex nin oo Mareykan ah oo qorsheynayey in ay weeraraan masaajid iyo guryo ay daganyihiin qoysas Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas ee dalkaan Mareykanka.


Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Mareykanka Tom Beall ayaa xalay u sheegay wariyaasha in raga kala ah Curtis Allen, Gavin Wright, iyo Patrick Stein, la xiray Jimcihii isla markaana lagu soo eedeeyey dhamaantood danbiyo la xiriira aragagixisada gudaha.

Tom Beall ayaa sheegay in ay kooxdan xagjirka ah qorsheysteen in ay dhigaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey afarta gees ee daar dheer oo ka kooban dhowr abaartment oo ay daganyihiin ilaa iyo 120 ruux oo Soomaali ah.

Warka ayaa intaasi ku daraya in qorasha weerarka uu ahaa in la fuliyo 9-ka bisha November ee soo aadan oo ah maalin kadib marka ay dhacdo doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada