daajis.com:- Cabdirisaaq Cabdi Giire maamulaha Xarunta dhaqan Celinta wiilasha iyo Gabdhaha ee AL-BADRIYA oo ku taala Boosaaso ayaa ka hadlay Wiil kasoo jeeda gobolka Sool, oo laga keenay magaalada London oo Xaruntaasi dhiganayey oo geeriyooday, Iyadoona Arintaasi ay Buuq dhalisay.
Cabdirisaaq ayaa wuxuu sheegay in Wiilka oo Qabay Xanuunka Macaanka, uu ku geeriyooday Cisbitaal oo aanu Xarunta dhexdeeda ku geeriyoon, Wuxuuna sheegay inay Qaar kamid ah Eheladiisu geeyeen Cisbitaalka, Sidoo kalana wuxuu soo Bandhigay Warqadii dhakhtarka oo lagu sheegay inuu Wiilku u geeriyooday wadanaha oo istaagay.
Arintaan ayaa timid iyadoo ay asoo baxeen wararka sheegaya in Wiilka si Xun loogu dhex Garaacay Xarunta, Kadibna uu Geeriyooday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have
