Daawo: Xaalada Qoys ku nool Duleedka magaalada Laascanod oo dad badan Ay La Murugoodeen, Warbixin ku Saabsan

Daawo: Xaalada Qoys ku nool Duleedka magaalada Laascanod oo dad badan Ay La Murugoodeen, Warbixin ku Saabsan

daajis.com:- Jaamac Maxamed Xasan , Cabdixamiid maxamed c/laahi iyo Aadan Cabdilaahi Xasan oo ah dhamaantoodba dhibanayaal qaba xanuunka dhimirka ama dhanka (Waalida) ayaa ku nool duleedka  magaalada Laascaanood , Dhibanayaashan ayaan helin mudo dheer oo ay ku xanuusanaayeen hoyga ay ku noolaayeen ayaan helin wax taageero dhanka dhaqaalaha ah.
Khadiijo Maxamuud Xasan oo ah Hooyada dhashay laba ka mida Dhibanayaashan ayaa sheegtay inay kala kulantay bukanayaashan 25 kii sano ee la soo dhaafay rafad aduun iyo imtixaan adag .

Dhibanayaashan ayaa kooda ugu wayn uu xanuusanayey mudo 24 sano , halka ka labaanka uu xanuusanayey 10 sano , ka sadexaadna uu xanuusanaa 8 sano .

Hooyadan ayaa sheegtay iyadoo ooyayeysa ay codsatay in Alle dartii hadii aan la soo caawin karin ugu yaraan loo duceeyo in Alle uu ka dul qaado Xanuunka haya ubadkeeda oo ay dheertahay duruufo dhaqaale adag oo dhanka Nolosha ah . 

Fadlan kala Xidhiidh : +25263-3121127 , +25263-4962417.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada