Dowladda Itoobiya oo Dalalka Masar iyo Eritrea ku Eedeysay Inay ka Danbeeyaan Rabshadaha Dalkaasi ka Socda (VIDEO)

Dowladda Itoobiya oo Dalalka Masar iyo Eritrea ku Eedeysay Inay ka Danbeeyaan Rabshadaha Dalkaasi ka Socda (VIDEO)

daajis.com:- Dowladda dalka Itoobiya ayaa dowladaha dariska la ah dalkaasi ku eedeeysay inay ka danbeeyaan hubaynta dad ku sugan dalalka Eritrea iyo Masar kuwaasi oo ay dalalkani tababarayaan, maalgeliyaana kooxaha kacdoonka iyo Dibadbaxyadda ka wada Gobaladda ay ku noolyihiin dadka Oromada ah gaar ahaan deegaanada ku xeeran caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Afhayeen u hadlay Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Getachew Red, ayaa maanta Shir Jaraa’id ku sheegay inay jiraan dalal gacan toos ah ugu leh Maalgelinta, Tababarka iyo Hubeynta Kooxaha Dibadbaxyadda ka wada gudaha dalka Ethiopia.

Waxa uu si gaar ah u magacaabay Dowladda Eritrea ee ay colaadda kala dhexeyso iyo dalka Masar oo muran dhanka Biyaha Webiga Nile ka ah uu dhexyaalo labafda dal.

Shalay ayey ahayd markii ay Dowladda dalka Itoobiya ay u yeertay Safiirka dalka Masar u jooga magaalada Addis Abeba, oo ay u gudbisay Tuhunka la xiriira inay Masar ku lug leedahay Dibadbaxyadda rabshadaha wata ee ay Qowmiyadaha Oromiya iyo Amxaaradda ka wadaan qeybo kamid ah dalkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada