Warbixin: Itoobiya oo ku Dhawaaqday 3 Maalmood oo Baroor diiq ah +(Daawo)

Warbixin: Itoobiya oo ku Dhawaaqday 3 Maalmood oo Baroor diiq ah +(Daawo)

daajis.com:- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya Axaddii, Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ka hadlaya waxa sababay dhimashada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah, Wuxuuna khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay ku amaanay ciidammada ammaanka.

Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceyriyay dadkii mudaharaadka dhigayay, Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.


Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada