Xog:- QM oo ceyrisay sarkaalkii dhacay dhaqaalaha loogu tallo galay DF

Xog:- QM oo ceyrisay sarkaalkii dhacay dhaqaalaha loogu tallo galay DF

daajis.com:- Hay’adda QM ayaa shaqada ka burisay mid kamid ah mas’uuliyiintii ugu sareeyay kadib markii lagu helay kiis la xiriira musuq-maasuq iyo isdabamarin.

Sargaalkaani shaqada laga buriyay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Agaasimaha Xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA, waxaana magaciisa lagu sheegay Amadu Kamara.

Amadu Kamara, ayaa la sheegay inuu musuq-maasuqay dhaqaale loogu tallo galay in lagu taabagaliyo ciidamada Qaranka Somalia, waxaana la tilmaamay in dhaqaalahaasi uu u adeegsaday mashaariic isaga u gaara.

Amadu Kamara, ayaa kasoo jeeda dalka Senegal, waxaana shaaca laga qaaday inuu musuqay isla markaana mashaariic ku abuurtay dhaqaale xoogan oo lagu caawinayay dib u dhiska ciidamada Dalka Somalia.
qm

Hay’addu wali kama aysan hadal eryinta Agaasimahaani markii laga soo tago qoraal kusoo baxay Wargeyska The All-East-Africa oo soo xiganaaya ilo wareedyo heer diblumaasi ah.
Maaha markii ugu horeysay oo dhaqaale loo qoondeeyay Somalia ay xubno ka tirsan QM isdabamarin ku sameeyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada