daajis.com:- Waxaa 17kii bisha December 2016 ka bilaabmay magaalada Addis Ababa, Ethiopia, shir ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Khaatumo, shirkaas ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa kasoo baxay Qodobo gaadhaya 11.
Qaar kamid ah Wafdiga khaatumo ee ku sugan dalka Itoobiya ee ka Qayb galay Kulanka, ayaa Goor dhowayd warbaahinta u Xaqiijiyey inay Yihiin Qodobadaasi kuwii Rasmiga ahaa ee kasoo baxay Kulanka.
Qodobada la sheegay in la isku Afgartay oo Mad-madow badan ka Muuqdo ayaa waxay u dhigan yihiin Sidan.
1. In wadahadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira
2. In wixii fadqalalo iyo dacaayad gudaheena ah in la joojiyo meelna looga soo wada jeedsado
3. In meel looga soo wada jeesto wixii gacan saddexaad ah ee farogelin ku samayn kara intay wada hadaladu socdaan.
4. In laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba
5. In laga wada shaqeeyo xoojinta nabadgelyada
6. In ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool iyo degaamada Sanaag bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tixgelinaayo marwalba baahida iyo xaaladda nabadgelyo siday tahay.
7. In aan la qorin ciidamo beeleedyo cusub inta wada hadaladu socdaan
8. In maamul daadejin buuxda la sameeyo oo taabanaysa dhinacyada: Siyaasadda dhaqaalaha, maamulka, arimaha bulshada, nabadgelyada.
9. In wadjir looga hawlgalo sidii mashaariic waaweyn oo horumarineed looga hirgelinlahaa goboladaas.
10. In layska kaashado sidii gargaar loogu raadinlahaa, loona gaadhsiinlahaa dadka ku tabaaloobey abaaraha
11. In haya’daha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobey ka hawlgalaan kana qaadaan xayiraada goboladaas.
Guddoomiyaha wafdiga Khaatumo Mohamoud Sh. Omar Hassan
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:47 and have
, Published at