daajis.com:- Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa in muddo ah ku suganaa maraakiib aad u fara badan oo ay leeyihiin wadamada reer galbeedka iyo wadamo kale oo dano gaar ah ka lahaa biyaha Soomaaliya. sida Iiraan Shiinaha, Hindiya, Ruushka.
Maraakiibtani oo sheega inay biyaha Soomaaliya u joogaan oo kaliya ladagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa hadda la ogaaday inay qaar kamid ah maraakiibtani ay waardiyeeyaan maraakiibta waaweyn ee ka kaluumaysta Xeebaha Soomaaliya, kuwani oo xaluufiyay kaluunkii ay ku noolaayeen jilaabatada Soomaaliyeed.
Marar badan ayay kaluumaysatada Soomaaliyeed waxa maraakiibtaasi ka gudbiyeen cabasho ku aadan inay badda ka gurtaan kaluunka soona cayriyaan doomaha kaluumaystada Soomaalida marka ay badweynta isaga horyimaadaan.
Hadaba arintani ayaa waxa ay hadda keentay in kaluumaysatada Soomaaliyeed ee ka kaluumaysta xeebaha ay waayeen wax kaluun ah, ayna qaarkood shaqo la’aan ku yihiin magaalooyinka ku yaal deegaanada xeebaha ee dalka Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at