Daawo Video: BUUG ka dhan ah DIINTA Islaamka iyo Dhaqanka Soomaliyeed oo lagu faafiyey Puntland iyo waxa dhacay

Daawo Video: BUUG ka dhan ah DIINTA Islaamka iyo Dhaqanka Soomaliyeed oo lagu faafiyey Puntland iyo waxa dhacay

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa sheegtay inay baadhayaan buug dhawaan la faafiyay oo lagu daabacay Arrimo liddi ku ah Caqiidada umadda Islaamka ah iyo dhaqankeenna suuban ee bulshada Soomaliyeed.


Buuggan oo ay baahisay hay’ad ajnabi ah oo aan magaceeda la xusin xilli lasoo xirayay ololaha ka hortagga taciyadda ka dhanka ah Jinsiga ee 16 maalmood, ayaa maanta lagusoo bandhigay shir ay si wadajir ah u qabteen wasiirka wasaaradda haweenka iyo guddoomiyaha xafiiska u doodaha xuquuqul insaanka Puntland.

Wasiirka haweenka Puntland, Aniisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, ayaa sheegay inay heleen buug loogu magac daray “Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha”, kaasoo kamid ah Dukumintiyo la qaybiyay waqti xafladdaasi socotay, taasoo la sheegay in qodobadiisa 16 iyo 18­aad ku qoranyihiin arrimo kasoo horjeeda diinteena suuban iyo Dastuurka Puntland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada