Xog: Sidee Sanbaloolshe ku noqday madaxa ololaha CC, muxuuse salka ku hayaa dagaalka isaga iyo Xasan?

Xog: Sidee Sanbaloolshe ku noqday madaxa ololaha CC, muxuuse salka ku hayaa dagaalka isaga iyo Xasan?

daajis.com:- Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, dhowaanna noqday xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa laga dhigay madaxda ololaha dooroshada Cumar C/rashiid.

C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hore saaxiibo dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ninkii ka danbeeyay in la rido xukuumaddii C/weli Sheekh ayaa si degdeg ay isu bedelay caddowga koowaad madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana hadda noqday madaxda ololaha doorashada Ra’iisal wasaaraha

Qaabka uu kursiga xildhibaannimo ku helay isagoo ka yimid xilkii safiirnimo ayaa gebi ahaanba ahaa mid qorsheysan iyadoo inuu ku soo baxo kursiga uu qeyb weyn ku lahaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

xasan cc sanbaloolsheSanbaloolshe ayaa la soo weriyay inuusan qarsan cadaawadda uu u hayo Xasan Sheekh isagoo magaalada Jowhar ka sheegay warar fara badan iyo farriimo qalafsan oo uu u diray Xasan Sheekh, taasoo ka danbeysay markii Xasan Sheekh diiday inuu xilka Agaasimaha NISA dib ugu magacaabo taasoo uu dadaal badan ugu jiray, tan iyo intii laga qaaday xilkaasi muranka dhaliyay.

Sanbaloolshe ayaa si weyn u diidanaa xilka safiirnimo ee Turkiga isagoo sheegay inuusan ahayn xil wax faa’iido ah ka helin, wuxuuna go’aansaday inuu iskiis uga tago xilkaasi oo dowladda Cusub la qabsado.

C/llaahi Sanbaloolshe ayaa marar badan ku qancin waayay madaxweyne Xasan Sheekh in dib loogu magacaabo xilka agaasimaha Nabadsugidda ee NISA, taasoo keentay inuu ku biiro taageerayaasha Cumar C/rashiid oo hadda u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Damjadiid ayaa si weyn uga horjeeday inuu Sanbaloolshe noqdo xildhibaan, waxayna isku dayeen inay tartanka ka reebaan, taasoo socon weyday, kadib markii uu taageero ka helay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada