Cali Maxamed Geedi oo Maanta Isaga Haray Tartanka Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya

Cali Maxamed Geedi oo Maanta Isaga Haray Tartanka Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya

daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ku dhawaaqey in uu isaga harey tartanka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya kaasi oo la qabanayo 8 bisha febaraayo 2017.

Mudnaasabad ka dhacdey Hotel City Place ayuu musharaxa ugu dhawaaqey inuu isaga tanaasulay tartankiisa, waxaana ka hadley munsaabaddaas qaar kamid ahaa taageerayaashiisa.

Sababta ayuu ku sheegay Geedi in Musharixiintu ay yihiin kuwo aad u badan loona baahan yahay in ay isu tanaasulaan. Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan inuu isaguna tanaasulay, Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo goobta uu tanaasulka kaga dhawaaqey ku sugnaa.

Cali Maxamed Geedi ayaa siyaasadda Soomaaliya soo galay markii u horeysey sanadkii 2004, markaas oo madaxweyne Cabdullaahi Yusuf (AUN) u magacaabey Ra’iisul wasaare, waxaana uu xilka iska casiley sanadkii 2007, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Cabdullaahi Yusuf, tan iyo markaas wax xil ah oo ka weyn la taliye ma aanu qaban.
Waxaa lagu wadaa in sidan oo kale dhawaan ay is casilaan xildhibaano ku qoran liiska Musharaxiinta, maadaama iminka ay bilaabatay in la bixiyo lacagtii lagu galayay tartanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada