Daawo:- Go’aano kasoo baxay shirkii isbaheysiga musharaxiinta

Daawo:- Go’aano kasoo baxay shirkii isbaheysiga musharaxiinta

daajis.com:- Murashaxiinta Madaxweynimada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa ku baaqey in Doodda dhaceysa 31-ka bishan ay noqoto mid dhexdhexaad ah, in dhamaan murashaxiinta waqtiga, tirada dadka taageerayaasha ah ee hoolka jooga iyo wax walbo ay u sinnaadaan.

Murahaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo jeediyay in doodda ay soo daayaan dhammaan Telefishinnada dalka ka jira oo aan lagu kooban hal Telefishin.

Dhinaca kale, Murashaxiinta waxaa ay ka hadleen in ammaanka doorashada la adkeeyo, isla markaana go’aan adag laga qaato musuqa iyo laaluushka lagu yaqaano doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa ay dalbadeen in murashaxiinta loo ogolaado tiro isku mid ah iney ku lahaadaan hoolka doorashada si xuquuqda loogu simmo dhamaan murashaxiinta madaxweynimada Soomaaliya.

Ridwaan Xersi Maxamed, ayaa sheegay in Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha Is bedel Samaynta, ay horey u yeesheen kulamo badan, balse uu kulankani kaga duwan yahay, iyadoo la soo gaabiyay xilliga la dooranayo Madaxweynaha.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada