daajis.com:- Arin aad u yaab badan ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Kansas City ee dalka Maraykanka, kadib markii
Nin 70 sano jir ah oo ka soo jeeda gobolka Kansas ee dalka Mareykanka uu maalintii Talaadadaqirtay in uu dhac u gaystey Bangi isagoo taas uga gol lahaa inuu uga baxsado xaaskiisa, xabsina la geeyo.
Lawrence Ripple ayaa dhac ka gaystey Banki ku yaalo magaalada Kansas City bishii September- 2016 ee la soo dhaafay, isla markaana wuxuu goobta la fariisto uu ku sugay booliiska ilaa ay soo gaareen xarunta Bankiga si ay u xiraan.
Ninka ayaa u sheegay dambi-baarayaasha in uu ka jeclaan lahaa in uu aado xabsi intii uu la noolaanlahaa xaaskiisa, oo uu sheegay inay cadaab gelisay, waxaana hadda uu mutaysan doonaa hadii denbi lagu helo xabsi illaa 20 sano gaaraya.
Mr Ripple ayaa markii uu bangiga tagay ayaa wuxuu u dhiibay qoraal mid ka mid ah xisaabiyayaasha Bangiga, isagoo qoraalkiisa ku xusay in uu wato qori uuna doonayo lacag, sida lagu xusay qoraalada maxkamadda.
Nnka ayaa loo dhiibay lacag dhan $3,000, laakiin meel dheer ma aadin oo wuxuu istaagay qaybta fadhiga Bangiga, wuxuuna u sheegay booliskii Babkiga soo gaaray inuu isagu yahay ninkii Bankiga dhacay, uu isagu yahay “Ninka ay raadinayaan”.
Warbixinta booliska ayaa lagu xusay in Mr Ripple muran uu kala dhaxeeyay xaaskiisa maalinkaasi, waxaana uu go’aansaday in la xiro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at