Jawaari oo digniin adag u diray Musharaxiinta heerka Madaxweyne

Jawaari oo digniin adag u diray Musharaxiinta heerka Madaxweyne

daajis.com:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadlay is diiwaangalinta Musharaxiinta heerka Madaxweyne ee loolanka ugu jira Hogaaminta dalka.

Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Musharaxiinta uu uga digaayo inay dayacaan fursada is diiwaangalinta.

Jawaari, waxa uu ka digay in Musharaxiinta ay dayacaan Jadwalka is diiwaangalinta iyo guud ahaan kan doorashooyinka.

Jawaari, waxa uu sidoo kale, arrin muhiim ah ku sheegay in Musharaxiinta ay aqriyaan xeer hoosaadkii loo qeybiyay oo ay ku qoran yihiin Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

”Musharaxiinta waxaan u sheegeynaa inay ilaaliyaan Jadwalka is diiwaangalinta, Musharaxii uu ka dhaco wakhtiga Doorashada mala diiwaangalin doono waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo xiliga is diiwaangalinta”
Dhinaca kale, Jawaari ayaa Guddiga Doorashada Madaxweynaha ugu baaqay in ay u shaqeeyaan si hufan ,islamarkaana ay ilaaliyaan Jadwalka Doorashada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada