Cumar Shooli iyo fanaaniinta Minnesota iyo Europe maxay isku haystaan?

Cumar Shooli iyo fanaaniinta Minnesota iyo Europe maxay isku haystaan?

daajis.com:- Waxaa jirtey waqti ay Fanaaniinta Soomaaliyeed MN loogu yeeri jiray: WAJIYO XUN. Taas oo ay ahayd mid meel ka dhac ku ah FANAANIINTA madaama aysan dadka ka war hayn ama aysan garanayn dadaalka ay ugu jireen in ay gaaraan wax ay dadka dheer yihiin – taasoo ah heesaha, curinta heesaha iyo musiga ku laran hadalada gabaysan ee murti iyo xikmadba leh, dadkuna jecel yihiin in ay dhagahooda ku soo dhacaan.

Taas hadii aan ugu baxo, fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaa haysta JAHWAREER la xariira NOLOSHA cusub oo ay ku jiraan – NOLOSHA QURBAHA in kastoo ay tahay mid dadka QURBAHA la wadaago. Waxaase intaa dheer in ay jirto XURGUF iyaga dhextaal oo dadka inta badan aan danayn FANAANIINTA aysan fahmi karin.

Waana mida igu qasabtey qoraalkaan madaama aan jeclahay in aan wax ka ogaado meesha laga haysto, si aan dadka kale ee aan danayn ay iyaguna wax uga ogaadaan XAALADOODA. Waxaan wax ka qoray DABACASEER IYO GABARTII faraha laga qaadka ahayd ee la oran jiran FARXIYO ISKOOR.

Waxaa uu qoraalkaas keenay in wadaadadii ay dhexgalaan arintaas, ALLENA uu fududeeyey in ay ISKOOR bedesho hadaladii HAB dhaqanka xumaa, maantana ay ka hadasho wax yaabaha muhiimka ah.

Marka hada iyo dan, qofkastoo qoraalkaan aqrista, bal waqti yar feker, kana feker qola u baahan in aan bal u kuur galno, waxa keena dagaalkooda joogtada ah oo ay isku hayaan. Dagaalkaasoo ka bilaawda arimo aan dadka FANKA aan wax ka fahansanayn ay garan karaan.
Mida aan oga gol leeyahay waa in dagaalka OMAR SHOOLI, maha ruug cadaagii, waa kan reer MN, iyo FANAANIIN kale CAAY aan waxba la iskugu reeban isu soo dhigaan baraha SOCIAL NETWORK loo yaqaan. Waa mid dadwaynaha Soomaaliyeed u taala in ay kala dhexgalaan madaama aysan jirin wax u naxa ama ka damqada dhaqan-xumada ay isku hayaan, cayda iyo fashilka ay isu marinayaan QOLOLKA social network-iska sida FACEBOOK-GA, YOUTUBE-KA iyo SNAPCHAT-KA iwm.

Hadii hore loogu XIFAALAYN jirey WEJIYO XUN, maanta falalka ay iskula kacayaan, ayaa ah mid ay ku mutaysanayaan in falkooda uu dadka ula muuqdo mid ka WEJI XUN kii lagu xaman jirey.

Waxaa isku soo duba riday: Mohamed Barre – qoraa madax banaan waxna ka qora Soomaalida, degana Minneapolis, MN – Junlay at

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada