daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Xoogan oo Ciidamada Ururka Al Shabaab ay ku qabsadeen Xeradii Ciidamada Kenya ee ku taalla magaalada Kulbiyooy ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo la sheegay inay xayndaabkii xerada ku jabiyeen baabuur ay qaraxyo kusoo rakibeen ka dibna ay weerar ku ekeeyeen.
Al Shabaab ayaa sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen ciidammada dalka Kenya oo ay ka dileen 75 askeri, Sidoo kalana waxay sheegtay inay Weerarka Fuliyeen Ciidankii Horey Weerarka dhiiga badan ku daatay ugu Qaaday Xeradii Ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Saalix Nabhaan.
Afhayeen u hadlay ciidammada Kenya Paul Njuguna ayaa diiday sheegashada Al shabaab laakiin ma uusan sheegin baaaxadda ay la egtahay dhibaatada soo gaartay, Wuxuu intaas ku daray in uu hawlgalku wali socdo.
Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii weerar noocan ah ay Al-shabaab ku qaaday xeradii milatariga ay ciidammada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde, Sidoo kalana Warbaahinta Kenya ayaa si wayn uga hadashay Weerarka maanta oo 57-askari la sheegay in lagu dilay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at