daajis.com:- Waxaa Dagaal qaraari uu ka dhex qarxay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto
Maalintii shalay ayaa afhayeen u hadley Aqalka Cad ee Maraykanku sheegay in dhamaan alaabaha laga keeno dalka Mexico lagu kordhin doono canshuurta 20 boqolkiiba, taas oo ah nooc Mexico ay u bixineyso dhaqaalaha ku baxa derbiga Maraykanku ka dhisayo xadka labada dal.
Arrintan ayaa loo fahmey mid hanjabaad ah, taas oo noqotay mid sii carqaladaysay xiriirka labada dal, kaasi oo awalba marayay meeshii ugu xumayd.
Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu doonaayo in Mexico bixiso dhaqaalaha ku baxaya derbiga, iyada oo loo marayo alaabaha ay soo dhoofinayaan.
Saacado kadib ayuu Afhayeenka Aqalka Cad dib uga laabtey hadalkiisu, waxaana uu sheegay kelmaddii dhawaan caanka qoqotey ee ah in tani tahay “Alternative”, kamid ah kuwa Madaxweynaha horyaala.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Mexico Luis Videgaray ayaa isagana dhankiisa sheegay haddii Maraykanku kor u qaado canshuurta alaabaha dalkiisu u dhoofinaayo Maryanka ay qaali ka dhigeyso alaabaha dhamaantood ka bilow Afokaadhada ilaa shaashadaha Telefishanada casriga ah, waxaana uu ku darey in Mexico aysan bixineyn canshuurtaas la kordhiyey ee ay bixinayaan shirkadaha Maraykanku, taas oo qaali ku noqoneysa macaamiisha Ameerikaanka.
Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Peña Nieto oo booqasho ku tegi lahaa Magaalada Washington todobaadka soo socda ayaa dib u dhigay booqashadiisa, kadib markii Trump uu saxiixey hindisaha dhismaha derbiga kuna celiyey kelmadiisi ahayd Mexico ayaa bixineysa derbiga, iyadoo madaxweynaha Mexico-na uu ku jewaabay in dalkiisa uusan bixinayn lacagtaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at