Daawo: C.xakiin Camey oo Afka Furtay Kana hadlay Yaabkii MUQDISHO, Arinta Gobolada Waqooyi iyo Hadalkii Itoobiya ee Beelaha Daarood iyo Hawiye

Daawo: C.xakiin Camey oo Afka Furtay Kana hadlay Yaabkii MUQDISHO, Arinta Gobolada Waqooyi iyo Hadalkii Itoobiya ee Beelaha Daarood iyo Hawiye

daajis.com:- Cabdixakiin Camey madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa wuxuu ka hadlay waxyaabihii uu Muqdisho kusoo arkay ee ka yaabiyey, Wuxuuna sheegay inay ka Jirto Dawlad labaad oo la yidhaahdo Beesha Caalamka, iyadoo gabadh yar ay Xalane ugu yeedho Madaxda Dawlada.


Xildhibaanada Dawlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay doortaan Hogaan Suuban oo dalka ka saari kara dhibaatada, Wuxuuna Sharci daro ku tilmaamay Xubnihii Madasha ee C.wali Gaas kamid ahaa, Sidoo kalana wuxuu ka hadlay Arinta Gobolada Waqooyi iyo Dulmigii loo gaystay.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Warkii dhowaan kasoo baxay Hay’ad ka dhisan dalka Itoobiya oo sheegtay inaan Doorood iyo Abgaal loo dooran madaxwaynaha Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inay Arintaasi tahay mid khaldan, Madaxdii Dawladaee looga Fadhiyey inay Ka hadlaan ay doorkoodii Gabeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada