Sawir: Ninkii hogaaminayey weerarkii hotel Dayax oo la aqoonsaday

Sawir: Ninkii hogaaminayey weerarkii hotel Dayax oo la aqoonsaday

daajis.com:- Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa faafisay magaca ninki hogaaminayey weerarkii hotel Dayax ee arbacadii lagu qaaday magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay ku dhowaad 30 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 51 kale.

Al-Shabaab ayaa ninkan waxay ay ku sheegeen Cabdiraxmaan Fatxi Cabdullaahi, waxayna shaaca ka qaadeen inuu horey uga mid ahaan jiray ciidamada maamulka Jubaland, balse uu markii dambe kusoo biiray kooxda Al-Shabaab.

Sida Al-Shabaab ay sheegeen Cabdiraxmaan ayaa kasoo baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu dilay taliyihi hore ee nabad sugida Jubaland oo uu ilaalo u ahaa .

Nankan ayaa la sheegay inuu wade ka ahaa gaariga weyn ee ku qarxay iridka hore ee hotelka Dayax, waxaana uu hogaaminayey hawlgalka oo ay ku naafwaayeen dad gaaraya 30 qof, 51 kalena ay ku dhaawacmneen.
Qaraxii arbacada ayaa ahaa mid ka mid ah qaraxyadi ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in lagu fuliyey dhowr tan oo miinooyin ah, waxaana uu burburiyey dhismayaal badan oo ku dhow hotelka.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa badankood ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa am aka ag dhowaa hotelka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada